Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

R/wasaare C/Weli oo maanta booqday maxjaro ku yaala Bosaaso iyo jaamacadda Bariga Afrika


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay muddooyinkii ugu dambeeyeyna booqasho ku marayay qeybo ka tirsan degaanada Puntland ayaa waxaa maanta uu kormeeray Jaamacada magaalada Bosaaso iyo weliba Maxjaro ku yaala duleedka magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan labadiisa kuxigeen, xildhibaano iyo madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole ayaa kormeerkoodan ka bilaabay Maxjaro waaweyn oo ku yaala duleedka magaalada halkaasoo laga dhoofiyo xoolaha nool kuwaasoo isugu jira Geel, Lo’, iyo Ari iyadoo ganacsigani uu yahay halbowlaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu aad ugu ammaanay ganacsatada reer Puntland horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha degaanadan balse R.wasaare Cabdiweli waxa uu kula dardaarmay inay horumariyaan bulshada ku nool degaanada oo ay u abuuraan barnaamijyo waxbarasho iyo shaqo si loo helo jawi degan oo uu ganacsigu ku sii socdo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisu waxa ay u sii gudbeen Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadii ugu horeysay ee laga hirgeliyo degaanada Puntland isla markaaana ah Jaamacadda ugu ballaaran degaanadan, wuxuuna halkaasi kula kulmay maamulka iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda oo isugu jiray rag iyo dumar.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku ammaanay aas aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika inay ahaayeen halyeeyo taariikhdu xusi doonto wuxuuna tulmaan u soo qaatay Alle ha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay kooxo aan la garaneyn ku dileen magaalada Bosaaso, wuxuuna ka codsaday maamulka inay u sameeyaan goob lagu xusuusto ama qeyb ka mid ah Jaamacadda inay ugu magac daraan si jiilka dambe ay u xusuustaan.

“Aniga waxbarashadu muhiimad gaar ah ayay ii leedahay mar kastana waxaan ku dadaalaa sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, waxaana maanta hortiina ka balan qaadayaa in shaqsiyan aniga iyo xaaskeyga Hodan aan bixin doono sanad kasta kharashka 5 arday”, ayuu yiri R/wasaaraha oo u balan qaaday sidoo kale maamulka inuu ka taageeri doono wixii xiriirka caalamiga ah si loo fududeeyo wadashaqeynta iyo ictiraafka Jaamacaddaha caalamka iyo Jaamacadda Bariga Afrika.

Garaad Salaad
Bosaaso, Puntland Somalia.
Communication Director, office of the PM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 9, 2012 by in Category and tagged .

Jaceylka

%d bloggers like this: