Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Gaalkacyo(RJ)Shilin Soomaali been abuur ah oo suuqyada harqiyey


Suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa mudooyinkii danbe waxaa si xawli ah usoo galyay lacago shilin soomali  been abuur ah oo lagu soo  daabacay gudaha dalka soomaliya .

Lacagtan oo ah Shilin Soomali dhowaan lasoo daabacay isla markaana ka duwan lacagta caadi ah dhanka tayada ayaa si weyn looga dareemay dhamaan suuqyada magaalada Gaalkacyo iyo dakhliga dawlada Puntland ee ku soo xarooda Bankiga dhexe magaalada Gaalkacyo.

Maamulaha Bankiga dhexe ee Puntland laanta Gaalkacayo Cabdilaahi Cali Bare ayaa ka hadlay lacagtan wuxuuna sheegay inay tahay mid si weyn ugu dhex jirta suuqayada magaalada Gaalkacyo, baarintaanna lagu wado halka ay ka timaado iyo weliba cida Puntland soo gelisa.

 

Cabdiliaahi Cali Bare wuxuu intaas raaciyey in  ay hayaan xog ku saabsan lacagtaas oo sheegaysa in lagu soo sameeyo magaalada Cadaado ee gobalka Galguduud, ganacsatada gobolka qaar kamid ahina ay faafisteeda kaalin weyn ka qaateen.

Maamulaha laanta Bankiga Puntland ee Gaalkacayo ayaa dhanka  kale ka hadlay dhibaatada ay lacagtaasi bulshada u keeni karto, isagoo tilmaamay  in laga dhaxli karo sicir barar baahsan oo ku yimaada suuqyada gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

Bankiga dhexe ee Puntland oo ah halkii ugu horaysay ee iclaamisay lacagtan been abuurkaa ayaa ugu baaqay dhamaan Hay’adaha dawliga ah ee ka hawl gala gobalka Mudug in la iska kaashado sidii loo xakamayn lahaa faafida iyo isticmaalka warqadahan been abuurka ah .

Ma ahan markii ugu horaysay oo magaalada Gaalkacyo lagu arko lacago faalso , waxaase jirtey marar badan oo Bankiga dhexe  laantiisa Gaalkacyo aysoo bandhigtay lacago been abuur ah oo laga soo saaray dakhliga soo gala dawlada puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 11, 2012 by in Category.

Jaceylka

%d bloggers like this: