Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Baaq ay soo Saartay Beesha Axmed Harti ee Dishiishe [Sawirro]


Waxaa malmahan uga socday Beesha Ahmed Harti  Shirar Taxanana ah oo ay isugu yimaadeen Dhamaan Guurtida Beesha  Culaamaa u diinka Aqoon yahanada Waxgaradka iyo Mas uuliyiinta Maamulka Puntland iyo Dawlada Federalka ah  , Shirkaan oo ahaa mid ay Beeshi sid aad iyo aada ay uga hadlayeen Sugida Amaniga Guud ee Puntland Gaar ahaan Magaalada Bosaso iyo Nawaaxigeeda .

 

Waxay Beeshu ku heshiisay Yar iyo Waynba in ay si wada jir ah uga shaqeyaan Amaanka Deegaanka ,Gaar ahaan Degaanka Beeshu ay Bud Dhigaha u tahay ,Sida

1-Bosaso  (2) Karin (3)Yallho  (4)Kalabayr (5) Jiingada (6) Ceel Doofaar (7) Laasadawaco (8) Juurile (9)Dalweyn (10)Xida(11) Tisjiic (12) Afurur(13)Maraje(14)kala dhacda (15)Bacaad (16)Buurgaabo    (17)Cira Dhame (18)Dhud (19)Gaaca(20)iyo Degmada Waaciye

Qodobada lagu heshiiyey

1-Xoojinta Xiriir Wanaaga   Beesha iyo Maamulka Puntland ee uu Madaxweynaha ka Yahay Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

2-Beesha Waxaa ka go an inay la dagaalanto Afcaasha Argagaxisanimada iyo Xagjirka Dilka Aaan sababta lahayn ee lagu dilayo dadka islaamka ah ee Biri magaydada ah Culimada waxgaradka Aqoon yahanka, Dumarka ,Caruurta iwm

3-In Beeshu Hurmuud unoqoto in ay kala soo Baxaan Wiilasha Lamarin habaabiyey oo ay kooxda Al shabaab u adeegsadaan Dhibaataydan Dalka iyo Dadkaba ,uuna ka caawiyo Maamulku Gacana ku siiyaan sidii wax loogala qaban lahaa .

4- Sugidda Amniga Guud ee Deegaanada Beeshu Degto Degaanadaas oo  Laga Bilaabayo Magaalada Basaaso ilaa Magaalada Xidda inta u Dhaxaysa Iskuna Jira Masaafo Dhan 300km.oo isku weer Ah .

7-Beesha  Waxay ka cod sanaysaa Maamulka Puntland in laga caawino sidii looga hortagi lahaa  Tahriibka , Burcad Badeeda  oo hoy u noqday Deegaanada Beesha ay degto dhalin yaro Badana  ay ku seegeen Mustaqbalkoodii , 8-Xoojinta Xiriir Wanaaga Beesha iyo Bulshada ay oodwadaaga Tahay. 9-Kor u qaadista iyo Tayeynta Waxbarashada iyo Caafimaadka Degaanada Beeshu Degto .

Waxay Beeshu ugu Baaqaysaa Beelaha walaalaha ah ee wada dega Deegaanada Puntland in Dhamaan Khilaafyada ku dhex jira ay iska saaraan si loo higsado Nabad Horumar Cadaalad Maadama ay jiraan ururo siyaasadeed oo Gaashaan ka dhiganaya Diinta Islaamka kuna wax yeelaynaya wada jirta Shacbiga Reer Puntland ,

Waxay beeshu horay iyo gadaalba tacsi tiiran ya leh u diraysaa dhamaan Dadkii ku naf waayey Dilalkii qor sheysnaa ee Foosha Xumaa ee ka dhacay Deegaanada Puntland ayna ugu damaysay Dilkii loo geystay Dr:Ahmed C/raxmaan ilaahay janadi firdosa haka waraabiyee.

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in laamaha amaanka ay si dabacsan ula shaqeeyaan shacabka Madaama Maanta loowada guntaday in wax laga qabto khalkhalka Xarakada Alshabaab ay ka wadaan Gobolada Puntland .

Waxaan sidoo kale talo ku soo jeedinaynaa in dadka Muwaadiniinta ah ee tuhunku galo in loola dhaqmo si Anshax iyo Akhlaaqi ku dheehantahay lana horgeeyo Maxkamad Cadli ah ee aan lagu haynin Goobaha Boliska Taasoo keni karta Nacayb soo kala dhexgala Shacabka iyo Dawlada .

 

Siciid Muumin

radio jooqle

bosaso,Puntland
 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 11, 2012 by in Category.

Jaceylka

%d bloggers like this: