Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Prof.Cabdiweli oo la kulamy dhiggiisa dalka Jabuuti [Sawiro]


gaas

Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare oo waqti dheer qaatay ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, arrimaha amniga iyo sidii dalka Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Djibouti sida deeran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Djibouti iyo sida shacabka iyo dowladda Djibouti ay weligoodba u garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey dowladda Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen dalka si loo xasiliyo. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa waxuu Ra’iisul Wasaare Dileyte ka siiyey warbixin kooban horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda Abdiweli ku tallaabsatay 5tii bilood ee la soo dhaafay sida amniga, xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Waxuu kaloo ku daray in dastuurka dhameystirkiisa uu meel fiican marayo isla markaana la rajeynayo in dib-u-habeynta baarlamaanka la dhameystiri doono si dalka looga saaro xilliga kala guurka ah oo loo helo dowlad rasmi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayaa sheegay inay dowladda iyo shacabka Djibouti ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxuuna sheegay inuu kala hadlay arrimaha Soomaaliya dowlado fara badan kana codsaday in Soomaaliya wax laga qabto. Ra’iisul Wasaare Dileyte ayaa sheegay in uu dhowaan dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay arrimaha Soomaaliya kaalin fir-fircoon uga qaadan laheyd.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti si labada dal ay uga wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha Geeska Afrika.

Horseed Media

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 13, 2012 by in Category.

Jaceylka

%d bloggers like this: