Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

dowlada uganda oo ugu baqday in Somalia cidamo dheeri ah la keeno.


gaas

Somalia

Wasiiru dowlaha Difaaca wadankaUganda Gen. Jeje Odongo ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay weydiisay Dowladaha Africainay howlgalka Dalka Soomaaliya ku soo biirayaan Ciidamo Ka mid noqda Amisom.

Warkan ka soo baxay Dowlada Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Ugandaoo ciidamo ka joogaan soomaaliya ay dooneyso in la xoojiyo howlgalka laga wado soomaaliya oo meesha looga saarayo Maleeshiyadka Islaamiyiinta ah ee la dagaalamaya Dowlada KMG.

“waxaanu dalbaneynaa in la soo kordhiyo ciidamo la keeno gudaha wadanka soomaaliya si ay dadka soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad ,” sidaa waxaa saxaafada u sheegay Mr Odongo’s oo ah Wasiiru dowlaha Difaaca wadankaUganda.

Wasiiru dowladah ayaa intaas ku daray in iminka Magaalada Muqdisho ay joogaan Uganda, Burundi iyo Djibouti ciidamo ka socda kuwaasi oo aan dhameyn tiradii loo baahnaa in somaaliya la geeyo waxaase uu xusay in haatan ay ku soo biirtay dowlada Kenya oo dagaal kula jirta Xarakada Alshabaab.

Saraakiil kale oo ka tirsan DowladaUgandaayaa ku eedeyay Midowga Yurub inaysan waxqabad ku filan aysan u sameyn Soomaaliya si dib loogu soo celiyo kala Danbeyntii.

Warka DowladaUgandaka soo baxay waxaa uu imanaayaa xilli saraakiisha sare ee Amisom ay horey u sheegeen in hadii ciidamada iyo qalabka Amisom la soo kordhiyo ay Meesha ka baxaya Xarakada Alshabaab.

Ciidamada Amisom ee Haatan jooga gudaha wadanka soomaaliya waxaa Uganda ka jooga in ku dhow 9000 oo askari horeyna waxay u balan qaaday inay kordhin doonto kuwaasi oo la garsinayo in ka badan 17,000 oo askari.

DalabkaUgandaeek u aadan in la badiyo ciidamada waxaa uu imanaaya xilli Midowga Afrika uu Golaha amaanka ee qaramada Midoobay u gudbiyay qoraal looga dalbanayo ogalaasha Ciidamo Dheeri ah oo la geeyo Dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 13, 2012 by in Category.

Jaceylka

%d bloggers like this: