Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Kristen Stewart: Waxaan Jecelahay Shah Rukh Khan iyo Eegmadiisa.


Xidigta caanka ee Holywoodka Kristen Stewart ayaa sheegtay in ay tahay  taageeraha ugu weyn ee Shah Rukh Khan wexeyna aad ugu qadarisaa sida ay sheegtay dhinaca roomansiga, Kristen ayaa tiri mar ay lahadleysay war baahinta aad baan u jecelahay  King Khan waana ruuxa iigu weyn dhankeyda romansiga ama jeceylka.

Atariishadaan da’da ayar ayaa daaha ka qaaday in ay dooneyso in ay lashaqeyso Shahruu hadii fursadu u saamaxdo lana jili doonto qeybta labaad ee filimka Twilight, iyadoo sii raacisay in aysan dooneyn in ay kula shaqeyso  Hollywood kaliya balse ay jeceshay xitaa in ay ugu gasho Bollywoodka.

Kristen Stewart ayaa tiri Shah rukh Khan waa ruux tusaale run ah iyadoo qeexday in ay aad ula dhacday filimkiisa Ra.one kaasoo ah sida ay tiri ah mid aad u saameeyay, waxaa kale oo  Kristen sheegtay in ay jeceshahay eegmadiisa kaliya filimka dhaxdiisa, iyadoo ku cel celisay in markii ay filimka daawatay ay u qirtay in Mr Shah Rush Khan uu yahay ruux ku dayasha mudan.

Gabadhaan ayaa ah actarad aad u da’yar balse caan ka ah dalka Mareykanka oo aad loo jecelyahay filimadeeda waana 21jir iyadoo ku guuleysatay wax kabadan 20-amaamarin una tartantay ilaa 17- amaalmarin wexeyna ku dhawaaqday in ay dooneyso in ay lashaqeyso Shah rukh Khan xiligey naqataba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on January 14, 2012 by in Dhacdooyin.

Jaceylka

%d bloggers like this: