Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Cabdiqadir juba oo Facebookga lagu dhibey akhriso, Fariin ku socota tagerayashiisa.


2012-01-31 08:12:49

Fannaanka C/qaadir Cumar Macallin Jubba ayaa shaaciyay goob fariimeedkiisa saxda ah ee Facebook kaddib markii ay soo baxeen dad magaciisa iyo sawirkiisa isticmaalaya, kuwaasi oo aanu garan Fannaanka ujeedada iyo waxa faa’iidada ah ee ka soo gelaya dadkaas in ay isticmaalaan magac iyo sawir aysan lahayn.C/qaadir Jubba oo u warramayay Hiiraan Online ayaa sheegay in goobtiisa farriimeed ee facebook ee rasmiga ah lagu arki karo kaliya marka la qoro Abdulkadir Omar M Jubba, isagoo dadka fankiisa iyo masrixiyaddiisa jecelna u sheegay in haddii ay horay ugu darsadeen liiska Saaxibada cinwaan facebook ah oo wata magaca C/qaadir Jubba uusan midkiisa ahayn, sidaas darteedna aysan u qaadan in uu isagu yahay.

“Ma garanayo ujeedka ay dadkaas ka leeyihiin, waanse arkay dhowr qofood oo magaceyga facebook ku sameystay, sidaas darted waxaan u sheegayaa taageerayaasheyda in ay iga soo raaci karaa cinwaankeyga facebook ee ah Abdulkadir Omar M Jubba”ayuu yiri C/qaadir Cumar Macallin Jubba.

Ma ahan Fannaanka C/qaadir Jubba oo kaliya Fannaaniinta magacyadooda lagu sameystay facebook, iyadoo la iska dhigayo fannaanka saxda ah, waxaana dhawaan shaacisay farrintan oo kale Fannaanadda Maryan Mursal Ciise oo habeenkii sanadka cusub 2012 ka sheegtay TV-ga Universal in dad magaceeda ku isticmaala facebook aysan iyada ahayn, lagana been abuurtay, iyadoo ka dalbatay dadkaas in ay magaceeda u dhaafaan.

Magacyada Fannaaniin kale ayaa lagu arkaa goob farriimeedka facebook, iyadoo la iska sameystay cinwaanno magacyadooda wata, tiiyoo weliba dadka waxaas sameynaya ay isticmaalayaan sawirka fannaanka ama fannaanadda ay markaas cinwaankeeda/kiisa sameysanayaan.

Xigasho:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on February 1, 2012 by in Barnaamijyo, Category, Dhacdooyin, Heeso, Sheeko.

Jaceylka

%d bloggers like this: