Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu dagaal ku dhex marey ciidamada dawlada iyo Alshabaab,iyadoo qasaaraha dagaalkani uu geystey ay kasoo baxayaan warar kala duwan.


Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu dagaal ku dhex marey ciidamada dawlada iyo Alshabaab,iyadoo qasaaraha dagaalkani uu geystey ay kasoo baxayaan warar kala duwan.
Dagaalkan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan alshabaab ay gudaha u galeen xaley saqdii dhexe iyagoo weerar ku qaadey xarumo ay ciidamada dawladu degenaayeen.
dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadey ayaanan la ogeyn ilaa iyo hada khasaaraha labada dhinac wallow ay jiraan labo qof oo rayid ah oo ku dhaawac mey dagaalka lana dhigey isbitaalka magaalada Garbahaarey.

Goobjooge ku sugan degmada Garbahaareey oo ay Horseed Media la xiriirtey ayaa sheegey in uu dagaalku ahaa mid culus argagax weyna ku shacabka ku dhaqan magaalada maadaama ay aheyd xili la hurdey,iagoo intaasi ku darey in dadka dhaawacmey ay ku jireen guri kadib markii bam lagu tuurey.
ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ee labada dhinac soo kala gaarey waa Alshabaab iyo dawladee balse madaxda ciidanka ku sugan Garbahaareey ayaa sheegey in ay alshabaab ka saareen magaalada halka ay sheegayaan in alshabaabna ay iyadu ka baxdey.
Magaalada ayaa iyadu saaka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii uu dagaal culusi dhacey waxaa sidoo kale ay ciidamada dawladu ka wadaan magaalada baaritaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on September 5, 2012 by in Barnaamijyo.

Jaceylka

%d bloggers like this: