Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Marowooyinka Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Ka Qaybqaadanaya Ololaha Doorashada (Sawiro)


Marwooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qado sharaf u sameeyey Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Dalka.

Khado sharaftan oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Marwooyinka Madaxweynaha oo kala ah:- Marwo Faadumo Cumar iyo Marwo Faadumo Xaaji Mustaf ayadoo ay kasoo qeybgaleen Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka,haween ka socday ururrada bulshada rayidka,haween ka mid qurba joogta Soomaaliyeed iyo Haween kale oo fara badan oo qaarkood xilal ay hada ka hayaan Dowladda Federaalka.

Qado sharafta kadib ayaa Munaasabadda oo aheyd mid si heer sarre ah loosoo agaasimay waxaa laga jeediyey khudbaddo kala duwan ayadoo ka hor khudbadahana lagu daah furay Buraanbur qiimo leh oo ka turjumayey Waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Dalka oo Munaasabadda Khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay Marwooyinka Madaxweynaha Dalka qado sharaftan ay u sameeyeen Haweenka Soomaaliyeed waxaana Xildhibaanaddu ay ka sheekeysay waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudadii uu xilka hayey.

“waxaan ka mid ahaa gudiga doorashada sida aad la socotaan balse hada xilkaasi waan ka tanaasulay sababta aan uga tanaasulayna waxey tahay inaan Madaxweynaha garab istaago waayo hadaad gudi ku jirtid waa inaad dhex dhexaad laakiin anigu waxaan aaminsanahay meesha aan maanta taagannahay ee horumarka jira waxaa sabab u ah Madaxweynaha Soomaalina waxey tiraahdaa qabyo ninkeeda ayaa dhameystira, si aan hormarkeenna u dhameystiranno ayaanna Madaxweynaha u wada garab istaageynaa hadaan nahay Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamaanka ku jira”ayey hadalkeeda kusoo gebagebeysay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sahro Sheekh Xuseen oo iyaduna ku hadleysay magaca Haweenka Qurba Joogta ah ayaa mahad celin kadib waxey tilmaantay in maanta uu ka jiro isbedel xoogan taasina ay marqaati cad u tahay dowladda lagu dhisayo gudaha dalka iyo isbedelka amni ee ka jira taasina uu sabab u yahay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed si loo dhameystiro howlaha hormarka Umadda ka harsanna ay ka codsaneyso Haweenka Xildhibaannada ah iney codkooda ku taageeraan oo ay doortaan Madaxweynaha.

Xildhibaanad Caasha Koos oo iyaduna ka mid ah Haweenka Xildhibaannada ah ee ku jira Baarlamaanka Dalka ayaa hadalkeeda ku bilowday in Waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed aysan xiligan cidinna qarankarin ayaduna ay goobjoog u aheyd marxaladihii uu dalku marayey si gaar ahna howlgalladii dalka looga saarayey Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana ay Haweenka Soomaaliyeed ugu bishaareysay inuu Madaxweyne Shariif Markale daadihin doono talada Dalka,ayaguna ay si buuxda u garab u taaganyihiin si hormarkan uu usii socdo.

Marwo Faadumo Cumar oo ka mid ah Marwooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad kooban ka jeedisay Munaasabadda ayaa Haweenka Soomaaliyeed uga mahad celisay kasoo qeybgalka Casuumadda ay u fidiyeen waxaana ay Marwada Madaxweynaha Dalka faah faahin ka bixisay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay la kulmeen Haweenka intii dalka uu ku jiray bur burka.

“gabdhaha xildhibaannada waxaad muujiseen dadaal dheeraad ah waxaad muujiseen sabar waayo wixii la idiin siiyey waad ku sabarteen waadna qaadateen hadana sida muuqata diyaar ayaad u tihiin,si dhibaatooyinka ay Haweenka la kulmaan loo yareeyo oo aan ognahay iney dibadaha ku dhibaateysan yihiin oo maalin walba carruurtooda laga qaato waxaan idinku guubaabinayaa inaad dhexda xerataan insha Allah rajadu maxuma” ayey tiri Marwo Faadumo Cumar oo ka mid ah Marwooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Faadumo Cumar waxey Haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shacabkaba Alle uga bariday inuu dhibaatada ka dul qaado.

Munaasabadda intii ay socotay waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaanno ka tirsan Haweenka Baarlamaanka ku jira iyo Haween iyana ku hadlayey magaca qeybaha Haweenka Soomaaliyeed sida ururrada bulshada iyo qurba joogta waxaana dhammaantood ay hoosta ka wada xariiqeen lagama maarmaannimada in Madaxweyne Sheekh Shariif uu markale ku guuleysto talada dalka maadaama mudadii uu xilka hayey uu qabtay waxbadan,waxa harsanna ay muhiim tahay in uu dhameystiro.

—— Dhammaad——
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on September 5, 2012 by in Somali News.

Jaceylka

%d bloggers like this: