Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Col. Cyrus Oguna: “Diyaaradaheena dagaalka waxay Bartilmaameysteen hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Duceysane (Akhriso)


Col. Cyrus Oguna: “Diyaaradaheena dagaalka waxay Bartilmaameysteen hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo C/qaadir Duceysane iyo 7 dagaalyahan oo kale, dhamaantoodna way geeriyoodeen..”

Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahooda ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Jubbadda hoose ay ku dileen dagaalyahano tiro badan oo uu ka mid yahay nin uu magaciisa ku sheegay C/qaadir Duceysane.

Col. Cyrus Oguna waxaa uu sheegay xilli uu taleefoonka kula hadlayay wakaalada wararka Shiinaha ee Shinwaa in diyaaradahooda ay bartilmaaameysteen gaari uu ninkaan watay kaasi oo marayay degmada Jilib kadib markii uu ka baxsaday magaalada Kismayo waxaana uu intaa ku daray in C/qaadir Duceysane oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada Al-Shabab ay la geeriyoodeen illaa iyo 7 dagaalyahan oo kale.

Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Kenya ee koofurta Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabab waxaa uu tilmaamay in diyaaradahooda ay sarkaal ka raaceen magaalada Kismaayo isla markaana ay gubeen gaarigii uu watay sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha dawlada ayaa horey u sheegay in sarkaalkaan lagu magacaabo C/qaadir Duceysane ay ku dishay deegaanka Buufow ee gobolka Sh/hoose waxaana dawlada oo ninkaan jagadiisa ku sheegtay inuu ahaa amaanduulaha ciidamada Al-Shabab lamase oga in labada nin ay isku magac yihiin iyo in kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on September 6, 2012 by in Barnaamijyo.

Jaceylka

%d bloggers like this: