Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Ambassador Matt Baugh Safiirka dowladda ingiriiska Soomaaliya waxay heysataa fursad wanaagsan


Ambassador Matt Baugh Safiirka dowladda ingiriiska u qaabilsan Arimaha
Somalia ayaa warsaxaafadeed maanta uu soo saaray waxa uu musharixiinta
Soomaalida kaga dalbaday inay u hogaansamaan go’aanada Barlamaanka
somalia islamarkaana ay ku qancaan natiijada kasoo baxda Doorashada
Madaxtinimada Soomaaliya.

Ambassador Matt Baugh Powl ayaa dhanka kale guddiga Qabanqaabada
doorashada dhici doonta isniinta ka dalbaday ka taxadaraan in codadka
hab qaldan ay u maamulaan oo hab siyaasadeysan ah.

Ambassador Matt Baugh waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in
musharixiinta laga adkaado laga doonayo inay la shaqeeyaan musharaxa
ka guuleystay oo noqda Madaxweynaha 4 sano ee soo socota dalka
Soomaaliya u yeelan doono muddo 22 sano kadib oo u burbur jirey
manteyna tahay fursada ugu qaalisan ee soo marta Soomaaliya dadkeeda
iyo dalkeeda masuuliyiintana xil weyn ka saran yahay samata bixinta
dalka Soomaaliya oo ka gudbey KMG una gudbey nidaamka Federalka.

Masuuliyiinta waa iney ka fogaadaan talaabo waliba oo carqalad ama is
hortaag ku noqon karta hanaanka abuuri kartana kala daadsanaan iyo in
dib u dhac yimaado ama lagu kala dareero meesha.

“Xaqiiqdii fursaddan oo kale weli somalia ma soo marin , dalku waxa uu
ka baxay KMGnimadii , waxa uu leeyahay barlamaan maalmo kadib soo
dooran doona madaxweyne , waxaa muhiim ah in soomaalidu fursaddan ay
ka faa’ideystaan”sidaasi waxaa yiri Baugh safiirka ingiriiska u
qaabilsan Somalia , waxana uu intaa ku daray in QM , ururka midowga
africa, IGAD iyo dowladda ingiriiska ay sii wadayaan taageerada ay
siinayaan shacabka soomaaliyeed.

Barlamaanka somalia ayuu ku dhiiri geliyay inay isticmaalaan codeyn
qarsoodi ah oo ay codkooda ay ugu shubaan masharaxa ay is dhihi karaan
waa dalka somalia horumar gaarsiinaya.
Dowladda Wadanka ingiriiska ee Great Britain ayaa qeyb muhiim ah ka
ah dowladaha sida aaadka ah u daneeya arimaha Somalia .

Isku soo wada duubo malinta isniinta waxaa dhacaysa doorashada kama
dambeysata ah ayadoo la filayo maantey in musharixiinta harey ay hor
imaan donaan barlamaanka jeedin donaana qudbadaha ku aadan doorashada.

Habeenimadii xalay ayey aheyd markii qeyb ka mid ah musharixiinta ay
hor yimadeen barlamaanka ayadoo dadka soomaaliyeedna ay shaashadaha
aduunka ka dawaneyeen si toos
ah qudbadaha Musharixiinta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on September 8, 2012 by in Somali News.

Jaceylka

%d bloggers like this: