Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Maraykanka oo musharaxiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku qancaan natiijadda soo baxda doorashada


War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku dhiiri gelineyso musharixiinta u tartameysa xilka madaxtiminada Soomaaliya inay ku qancaan natiijada guddiga doorashada marka ay dhacdo isla markaana oo ay ka fogaadaan inay carqaladeeyaan doorashada.

Warka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanku waxay musharixiinta Soomaalida ka dalbaneysaa inay u hogaansam aan go’aanada guddiga guddiga doorashada oo ay ku qancaan natiijada si dalka Soomaaliya uu kaga baxo dhibaatada sanado badan uu ku jiro.

“Tobanka September waxa ay noqon doontaa maaalin taariikhi ah waayo dalka Soomaaliya waxa uu yeelanayaa madaxweyne bilaw u ah dawlad aan ku meel gaar aheyn , waxaana tartamayaasha 25 musharax ah ugu baaqeynaa inay aqbalaan natiijada soo baxda” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Maraykanka kasoo baxay.

Dawladda Mareykanka waxay sidoo kale gudiga doorashada ay ka codsatay inay dareemaan mas’uuliyadda saaran oo waajibkooda si cadaaladeysan ay u gutaan.

Maalin kadib ayaa loo ballansanyahay in 25 ka musharax ay u tartamaan doorashada dhacaysa.

source. somaliweyn.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Information

This entry was posted on September 8, 2012 by in Somali News.

Jaceylka

%d bloggers like this: