Hoyga Arimaha Bulshada

Boqasho wacan!

Al Shabaab oo ku eedeysay ciidanka Jabuuti duqeynti Masjidka Al Hidaya iyo AMISOM oo baareysa dhacdadaasi


Xarakada Al Shabaab ayaa ku eedeysay ciidanka Jabuuti ka jooga Soomaaliya in ay ka danbeeyaan duqeyn habeenki sabtida loo geystay masaajidka Al Hidaaya ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Abu C/raxmaan oo ah gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta ku hadasho codka Xarakada Shabaab ayaa si kulul ugu eedeeyey ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM in ay beegsadeen masaajidkaasi oo ay si gaar ah u daganyihiin culimada Tabliiqa.

Dadka Jabuuti ayuu u sheegay in ay ugu abaal gudeen Soomaaliya madaafiic iyo duqeyn, isaga oo ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Dhanka kale taliyaha ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afira ee Soomaaliya (AMISOM) Maj. Gen. Fred Mugisha ayaa balan qaaday in ay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadi lagu beegsaday Masjidka Al Hidaaya.

Masaajidka Al Hidaaya oo ku yaala degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, waa masaajidka ugu weyn koonfurta Soomaaliya, waxaa uu caan ku yahay culimada tabliiqa oo sanadkiiba mar isugu yimaada halkaasi oo ay kaga baxaan safarada ay ku faafiyaan diinta Islaamka.

Duqeyn loo geystay habeenki Sabtida ayaa waxaa ku dhintay laba ka mid ah culimada tabliiqa halka ay ku dhaawacmeen afar kale.

Leave a comment

Information

This entry was posted on January 9, 2012 by in Category.